Salaad Roob Doon Ah Oo Lagu Oogay Gobollada Dhexe

Salaad roob doon ah ayaa maanta laga tukaday dhowr degaan oo ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Degmooyinka Matabaan iyo Dhuusamareeb iyo degaanka Xeraale ayaa laga tukaday salaado roob doon ah oo dadk ay Alle ku weydiisanayeen raxmaddiisa.

Saaladahani roob doonka ah oo ay dadku ku oogeen gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa imaanaya iyadoo abaaro adag ay ka jiraan gobolladaasi.

Masuuliyiinta degaannadaasi iyo culumo awdiinka ayaa kala qeyb galay dadweynaha salaadahani waxaana dadku ay Alle baryi muddo socday kadib sheegeen in ay Alle ka rajaynayaan inuu u aqbalo ducadooda.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in Alle ay ka baryayaan inuu soo xijiyo raxmaddiisa islamarkaana roob siiyo.

Degaanno badan oo Soomaaliya ah waxaa ka jirta abaaro waxaana shalay oo ugu dambeysay degmada Garoowe lagu oogay salaad roob doon ah.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW