U bood dhigaalka

Salaad Xaashi Oo Ka Yimid Dalka Yemen Ayaa Ka Sheekeeyay Dhibaatada Soomaalida Dalkaasi Ku Haysa

Sheeko:Dalka

Salaad Xaashi Jaamac oo in ka badan 20-sano macallin ka ahaa dalka Yemen ayaa ka sheekeeyay dhibaato xoogan oo ka taagan dalka Yemen ka dib markii isaga uu ka mid ahaa dadkii naftooda kala soo cararay dalkaasi.

Isaga oo wareysi siiyay Goobjoog News waxa uu sheegay Salaad in isaga uu dalka ka tagay sanadka markii uu ahaa 1988-dii bishii 11-aad, isaga oo sheegay in uu ka baxay jaamacadda u madda Soomaaliyeed, xilligaasna dalka Yemen uu ka ahaa macallin.

Waxa uu tilmaamay in mudadaasi isaga uu halkaasi ku noolaa, waxaana uu tilmaamay in markii dalkaasi dagaallada ay ka bilawdeen ay dhibaato soo gaareen dad badan oo shacab ah.

Salaad ayaa sheegay in safarkii uu hadda kusoo aadayay magaalada Muqdisho uu kasoo bilawday magaalada Sanaca, waxaana uu soo galay safar dheer oo qaatay illaa iyo Sideed Saac, isaga iyo dadkii la socdayna waxa ay soo raaceen bas.

Waxa uu tilmaamay in ay yimaadeen Dekad lagu magacaabo Mina Maqar, isaga oo sheegay in ay doon kusoo raaceen dad gaaraya 205 qof, oo Shan qof ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay dalka Yemen oo iyaguna naftooda baxsad la ahaa.

Doonta waxa uu tilmaamay in Laba Habeen iyo Maalin ay soo socotay, islamarkaana doonta ay ku dhimatay Haweeney uu sheegay in ay xanuunsanaysay, isaga oo safarkaasi ku sheegay in ahaa mid aad u dhib badan, maadaama doonta aysan lahayn musqul ama meel la seexdo, sababtoo ah doonta waxa ay waday Basal.

Mr Xaashi ayaa sheegay in shacabka inta ay soo cararayeen jidka loo galay islamarkaana dadka laga qaatay qarashaad iyo wax walba oo ay wateen, sidaasna waxaa sameeyay sida uu tilmaamay rag hubeysan oo dhinacyada is haya ka mid ahayn.

Dekadda Berbera ayuu ku sheegay in lagu soo dhaweeyay, islamarkaana maamulka Somaliland ay ka heleen soo dhaweyn iyo hadal macaani ay ku wada farxeen shacabka halkaasi ku sugnaa, waxaana uu tilmaamay in xitaa dadka lasoo saaray gaadiid qarashkooda Somaliland ay bixisay.

Doonidii ay kasoo raaceen dalka Yemen ayuu sheegay in shaqsigii laga qaatay lacag dhan 100 doolar, halka markii hore dadka laga qaadanayay lacad dhan 50 doolar.

NOLOSHA DADKA JOOGA YEMEN

Salaad Xaashi Jaamac ayaa sidoo kale inooga sheekeeyay sida ay hadda ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee barakaca ku ah dalka Yemen, waxaana uu sheegay in xaaladda ay hadda dadkaasi ku adag tahay.

“Nolol adag oo aad u adag ayaa dadka haysata hadda, xitaa iskama dhiibi karaan guryaha kiradooda, tusaale qolkii waxaa la kireeyaa lacag dhan 50 doolar markii hore laakiin markii dagaallada ay dhaceen guryaha waxaa lagu daray lacag, ninkii guriga lahaa waxa uu ku leeyahay aniga ayeey nolosha igu adag tahay, waxaana laga dhigay qolkii 100 doolar, dadkana ma awoodaan lacagtaasi” ayuu yiri Salaad.

Sidoo kale Salaad ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka xamaasha dalkaasi ay ku noolaayeen wax ay maalintii shaqeeyaan iyaga oo u xamaali jiray bakhaarada raashiinka ama in ay dhaqaan gaadiidka, dhanka kalena waxa uu tilmaamay in haweenka ay guryaha ka shaqeynayeen, laakiinse dagaallada hadii ay dhaceen aysan hayn dadka meel ay ku shaqeystaan.

Soomaali badan ayuu sheegay Salaad in dhimasho iyo dhaawac ay kala kulmeen dagaallada ka socda dalka Yemen, isaga oo tilmaamay in hadda dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u gurmadaan shacabkooda dhibban.

Goobjoog News