U bood dhigaalka

Saleebaan Ciise Xaglatoosiye: Cali Khalif iyo Inta La Socoto, waa in La Iska Qabto

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin shaqsiyaadka khalaalasaha ka abuuraya Deegaanada uu ka taliyo Maamulkaas, isagoo dihniino jeediyay.
Wasiirka Caafimaadka Maamulka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglatoosiye isagoo ku sugan Buuhoodle ayuu sheegay in madaxweynaha maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr oo uu ku eedeeyay inuu qalqalin amni ka wado Buuhoodle oo ka tirsan gobalka Togdheer.
Wuxuu sheegay in Cali Khaliif uu ugu baaqayo inuu ka waantoobo dhibaatooyin uu sheegay inuu ka wado deegaannada waqooyi kuwa kamid ah gaar ahaan Buuhoodle.
“Somaliland waxaa ka go’an in halkan ay nabad ka taabo gasho, colaad in dib loogu celi deegaanka ogolaan maayo, Cali Khalif iyo inta la socoto dib ha ugu noqdaan, reer Buuhoole waa in ay iska saaraan” ayaa hadaladiisa ka mid ahaa.

Goobjoog News