U bood dhigaalka

Salmaan Axmed “Howlgalada Jubooyinka ma joogsan doonaan ilaa Al-shabaab aan ka saarno” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Saraakiisha Maamulka KMG Jubba ayaa sheegay in marnaba aysan hakin doonin hawlgalada ay ka wadaan Degaanada Gobolada Jubooyinka, kaas oo ay tilmaameen In ammaanka lagu sugayo.

Salmaan Axmed Bashiir oo ka mid ah saraakiisha Hogaaminaysa Ciidamada Maamulka Jubba ee ku sugan Degaanka Buula Gaduud ayaa sheegay in ay jireen weeraro ka dhacay Degaanada qaar intii ay socdeen hawlgalada.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale waxa uu u sheegay Goobjoog Fm in Ciidamada Maamulkooda aysan joogsan doonin ilaa ay ka gaaraan Goobaha Gobolada Jubooyinka ay kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Dhanka kale mar uu ka warbixinaayay weeraradii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ku qaadeen ayuu sheegay in dhankooda wax qasaare ah aanay kasoo gaarin islamarkaana ay iyagu guulo ku gaareen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidamada maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa gobalka Jubada hoose waxa ay ka wadaa howlgalo ay ku doonayaan in ay ku la wareegaan deegaano badan oo Al-shabaab gobalkaasi ka joogaan.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Salmaan Axmed Bashiir.

Goobjoog News