U bood dhigaalka

Salva Kiir Iyo Isaias Afwerki Oo Ka Wada Hadlaya Xiriirka Labada Dal

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa lagu wadaa in maanta uu booqasho rasmi ah ku tago Asmara isaga oo halkaasi kula kulmi-doona dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki.

Booqashada ayaa ujeedkeeda lagu sheegay inay qeyb ka tahay isbadallada wanaagsan ee ka socda bariga Afrika iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka dalalka ku jira IGAD.

Asmara waxaa horay u booqday ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo taasi oo beesha caalamka u dirtay dhambaal ah in go’doominta laga saaro Asmara.

Eritrea waxaa u haray keliya inay soo celiso xiriirkeeda dalka ay dariska yihiin ee  Djibouti, lbada dal waxaa ay isku heystaan buur iyo jaziirad.

Asmara waxaa ay u dadaaleysaa sidii looga qaadi lahaa cunuqabateynta ay Qaramada Midoobey saartay muddo 10 sano laga joogo.

Goobjoog News