U bood dhigaalka

Sanad Guurada 4-aad ee Imaatinkii Musharax Farmaajo ee Muqdisho, Xaaladdu Waa Sidee?

Sheeko:Amniga

Maanta oo kale 2016-kii, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ahaa ra’isul wasaare hore iyo  musharax madaxweyne ayaa ku soo noqday caasimadda Muqdisho.

Farmaajo oo sanado badan fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi, ee caasimadda Kenya oo halkaasna ka waday olole doorasho ayaa usoo wareegay Muqdisho.

Dibadbaxayaal badan oo wejiyadooda farxad ka muuqatey ayaa isugu soo baxay magaalada iyaga oo ku dhawaaqayey erayo dhiirigelintiisa ah iyo boorar iyo funaanado ay ku qornaayeen  danta dalka, dadka iyo diinta.

Maxamed Cabadullahi Farmaajo ayaa degay guri u dhow Hotel Jaziira, Jazeera waa Hotelka hadda xarunta  u ah mucaaradka isaga oo halkaasi ka bilaabay inuu taageerayaashiisa kula kulmo.

Farmaajo ayaa waxaa uu madaxweynaha Soomaaliya ka noqday isaga oo dalka joogay 49 cisho oo keliya, waxaa uuna ka adkaaday in ka badan 20 murashax oo ay ku jireen madaxweynihii xilligaas Xasaan Sheekh iyo midkii ka sii horeeyey Shariif Axmed Sheekh.

Ololaha Farmaajo marnaba kuma jirin qadiyadihii xilligaasi jiray sida muranka badda ee Soomaaliya Kenya, ciidamada Kenya eek u jira AMISOM iyo xiisadda xadka oo dhammaantood ah qaar uu maanta ka hadlo.

Iminka, oo uu yahay madaxweynaha Soomaaliya, waxaa muddo xileedkiisa dastuuriga ah ka dhimman 49 cisho, waxaana ayna kusoo aadeysaa qalalaaso siyaasadeed iyo dalka oo aan laheyn ajende doorasho, ay jirto kala shakin saamileysa dhexdeeda ah oo ay wehliyaan welwel gobolka ah.

Goobjoog News