U bood dhigaalka

Sanad Ka Dib Doorashadii Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Maxaa U Qabsoomay

Sheeko:Cayaaraha

Sanad ayaa iminka la joogaa markii la doortay guddiga fulinta Xaririirka Kubbadda Cagta Soomaaliya 15 Novermber 2018 Cabdiqani Saciid Carab oo ah guddoomiyaha Xaririirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa Goobjoog u sheegay mudadii sanadka aheyd in ay wax badan ka qabteen arimo badan oo horyaalka wuxuu sheegay in ay wax badan ka qabteen cabshada Maamul Goboleedyada iyo baahinta K.Cagta.

Saddex macallin oo kasoo jeeda wadanka Ghana ayaa loo magaacabay geedi socodka iyo horomarka natiijooyinka Xulka Qaranka waxayna kala yihiin Bashir Hayford oo ah tababare Xulka waaweyn,Ignatious Kwame oo isna ah layliyaha Qaranka da’yarta iyo sidoo kale tababare Jerry oo macallinka goolhayaasha Xulka iyo kooxaha Kubbadda cagta guddoomiye Cabdiqani Saciid ayaa sheegay in wax la tabaan karo laga sameeyay dhinaca farsamada xulka qaranka bilooyinkii lasoo dhaafay welin ay radiyaan in lasii horomariyo.

“Guddiga fulinta X.K.Cagta mudadii uu joogay xafiiska waxa uu waqti iyo qarash ku bixiyay arimaha horomarinta Maamul Goboleedyada wuxuu ku guulaystay in xafiisyo u furo maamulada kala ah Hirshablee iyo Koonfur Galbeed,sidoo kale Xiriirka wuxuu miisanayada lagu horomarinayo urarada kubbadda cagta gobolada siiyaa dhamaan shanta Maamul Goboleeda,taasina waxay ka mid tahay shaqooyinka adag aan qabanay” ayuu  Cabdiqani Saciid Carab u sheegay Goobjoog Sports.

18 July 2019-Guddomiyaha Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa ka mid noqday guddiga fulinta Qaarada Afrika ee CAF waxaana kusoo laabashada booskan soo dhaweeyay taageerayaasha kubbadda cagta,iyagoo guul u rajeeyay madaxda xariirka ee da’daalka wanaagsan uga jira qabashada joogaooyinka waaweyn ee kubbadda cagta sida FIFA CAF iyo urarada kale ee caalamka

Guddiga fulinta Xariirka Kubbadda cagta ayaa u mahad celiyay saaxiibada markasta kala shaqeeya horomarka,iyagoo dhinaca kale sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dhagestaan aragtida ka imaanaysa qof kasta ee ku nool wadanka gudihiisa iyo dibadda,si loo gaaro guulo waaweyn oo dhinaca kubbadda cagta.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Wixii U Qabsoomay Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/966236513775415/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle