U bood dhigaalka

Sanad Kadib Doorashadii Sharif Xasan, Maxaa Ka Qabsoomay Ballamihii Sharif-ka uu Ka Qaaday Reer Koofur Galbeed?!!

Sheeko:Dalka

Maanta oo kale, Sanadkii hore waxaa Baydhabo lagu doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan, dadka la socda siyaasadda dalka guud ahaan gaar ahaan Koofur Galbeed waxaa ay is lahaayeen Aden waxaa uu xoogga saari doonaa Amniga, dhaqaalaha, dib u dhiska, dib u heshiisiinta iyo in Koofur galbeed noqoto Maamul la tartami kara Puntland iyo Somaliland, lakin sanad kadib Sharif Xasan waxqabadkiisa waxaa saaran Calaamatu Su’aal?!!

November 17, 2014 ayey aheyd markii magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay uu ka dhacay doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo xilka madaxweyne loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan, goobta ay ka dhaceysay doorashada waxaa ku sugnaa 396 ergo, waxaana xilkaasi u musharaxnaa 5 xubnood.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hogaaminayay tobaneeyo Xildhibaano ayaa waxyar ka hor doorashada ka degay Baydhabo isagoo khudbad gaaban oo murashaxnimo ka hor-jeediyay  ilaa afar boqol oo ergo  oo lagu waday in ay doortaan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.

Sharif Xasan waxaa uu khudbadiisa ku yiri“Waxaa halkan ka cadeynayaa inaan ahay musharax u taagan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, waxaa idinka codsanayaa inaad codkiina isiisaan, waxaa ku dadaali doonaa Cadaalad”.

Xasan ayaa sheegay in shirka uu waqti badan soo socday, isla markaana dadaal badan la geliyay, isagoo ku dhawaaqay in hadii uu ku guuleysto uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka, horumarinta deegaanada maamulka iyo sidii dadka deegaanadaas uu cadaalad ugu fali lahaa.

“Hadii aad ii doorataan waxaa ka shaqeyn doonaan amniga, horumarka, ammaan haduu jirin dowlad ma jirto, ammaan haduu jirin cibaado ma jirto, horumar ma jiro, iskuul lama aadayo, waxaa rabaa inaa ila shaqeysaan hadaa ku guuleysto, taladiina ayaa ku shaqeyn doonaa, sida odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka, dhalinyarada iyo aqoonyahanada”ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif-ka oo sii hadlayay ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii dowladda Federaalka uu xiriir dhow ula yeelan lahaa, isla markaana aan la shaqeyn karin hadii aan xiriir la laheyn dowladda dhexe.

Sidoo kale Shariif Xasan waxaa uu ballan qaaday in uu xiriir fiican la yeelan doono maamullada dariska la ah Koofur Galbeed.

Doorashada oo si degdeg ah u dhacday waxaa kasoo horjeestay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari isagoo ku tilmaamay in aanu  aqoonsan doonin  natiijada ka soo baxda doorashada shirka Baydhabo.

Waxaa kaloo isla maalintaas Shir ka dhacay magaalada Baydhabo loogu doortay Cali Maxamed Yusuf (Cali Shukur) inuu noqdo Madaxweyne saddexda gobol.

Hadabada Maxaa Ka Fulay Ballamihii uu Sameeyay Sharif Xasan Sheekh Aden:

Dhibaatooyinka qabsaday Shariifka waxaa ka mid ah 4 bil ayey u qaadatay uu dhameystiro Wasiiro ay maamulka Koofur Galbeed yeeshaan, March 4, 2015 ayuu Sharif Wasiiradiisa dhameystiray.

Laga bilaabo maalintaas lama maqlo waxqabadka wasiirada maamulka Koofur Galbeed, lamana oga caqabadaha hortaagan in ay shaqeeyaan.

Dhinaca kale, Weli maamulka Koofur galbeed ma yeelan baarlamaan ah, waxaa la isku heystaa qaabkii xulista, dadkii beelaha matali lahaa, Xitaa deegaano badan oo ka tirsan koofur galbeed ayaa ku hanjabay in ay ka baxayaan maamulka oo hoostagi doonaan dowladda Federaalka.

Sharif Xasan muddada sanadka ah ee maamulkiisa uu jiray waxqabadkiisa waxaa ka mid magacaabista wasiirada koofur galbeed, Magacaabista qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka 3-da gobol, dhismaha Madaxtooyada maamulka ee bishii April 10, 2015  iyo booqasho uu ku tagay Marka, Baraawe iyo Afgooye iyoo meelo kale.

August 11, 2015: Shariif Xasan ayaa tagay  magaalada Baraawe isagoo sheegay in ay tahay Baraawe xarunta maamulka, waxaa kaloo uu halkaas u tagay in uu ka furo mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha Garoon diyaaradeed iyo Deked cusub.

Xubnaha Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia ayaa waxaa ka mid ahaa; wasiiro ka tirsan Maamulkiisa & qaar ka mid ah xubno ka tirsan maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed.

Waxaa kaloo Sharif Xasan lagu xasuustaa ka qeybgalka shirar dhexmaray dowladda iyo maamul goboleedyada, kuwaas oo ka kala dhacay Garoowe, Muqdisho iyo Kismaayo.

Dhibaatooyinka Maamulka Koofur Galbeed:

Gobollada Maamulka Koofur Galbeed waxaa ka jiro dhibaatooyin xagga amniga ah, waxaa xiran waddooyin ku yaalla gobolka Bakool, arrintaas oo hor istaagtay in gargaar iyo waxyaabo kale la gaarsiiyo dadka deegaanka.

Baydhabo oo ah Fadhiga Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Xukuumadiisa, Waxaa la weeraray Madaxtooyada maamulkaas, xiligaas waxaa joogay Sharifka.

March 12, 2015: Dagaal ka dhacay xarunta Madaxtooyada Baydhabo waxaa ku dhintay 6 qof uu ku jiro Mid ka mid ah raggii weerarka qaaday iyadoo goobta ay ku geeriyoodeen ragii kale ee dagaalka la galay ciidanka AMISOM.

Sharif Xasan kuma nabad galo Baydhabo iyo xitaa gobollada kale ee maamulkiisa, bishan gudaheeda waxaa uu ka badbaaday labo qarax oo loogu geystay wadada u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho.

Waxaa kaloo la weeraray gurayaha mas’uuliyiinta qaar sida Guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Baydhabo Maxamed Isaaq Ibraahim Aflow  iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada Xannaanada Xoolaha ee maamulka KMG ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Dhibaato Banii’aadamnimo:

3-da gobol ee maamulka Koofur Galbeed waxaa ka jirta dhibaato banii’aadamnimo oo xoogan, dadka ma helaan adeegyadii ay u baahnaayeen sida waxbarsho, Caafimaad, Biyo iyo xitaa shaqo.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Goobjoog  News u sheegey in gobolka Bakool ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo halis ah, iyada oo uu gobolka guud ahaan yahay mid go’doonsan.

Waxa uu sheegey in ay nasiib darro tahay in raashiin gargaar oo loogu talogalay dadka gobolka Bakool la leexsaday.

Isbaarooyinka:

Koofur Galbeed waxaa dhibaato ku haya isbaarooyin, kuwaas oo horseeday cabsi joogta ah, Taliyaha guutada Shanaad ee ciidamada xoogga dalka Cabdullaahi Xuseen oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay inay ku guuleysteen in ay qaadaan Isbaarooyin badan oo yaallay deegaanno ka mid ah Shabellaha Hoose, Lakin howlgal kasta waxaa dib loo soo celiyaa isbaarada.

 Kufsi:

October 16, 2015: Maamulka deegaanka Mareerey ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in wadada isku xirta deegaankaasi iyo degmada Afgooye lagu kufsaday 5 Haween ah 24-kii Saac ee lasoo dhaafay, dhibkaas waa inta la maqlay, lakin dadka deegaanka waxaa ay sheegayaan in ay soo laalaabato

Shaqaale shaqada ka tagay:

April 18, 2015: Gudoomiye Ku xigeenkii degmada Buurhakaba ee gobalka Baay Axmed Sheekh ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi, ka dib markii uu arkay in aanu qaadi karin mas’uuliyadda uu hayay.

Waxa uu sheegay in muddo badan uu fikirayay, hase ahaatee uu ogaaday in shaqada loo dhiibay ee gudoomiye ku xigeenka aanu sii hayn Karin.

Xiriirka Koofur Galbeed iyo Jubbaland:

Sharif Xasan waxaa uu maalintii doorashada Koofur Galbeed balanqaaday in uu xiriir fiican iyo daris wanaag kula dhaqmi doono Maamullada dariska ah, Lakin maanta ma wanaagsana xiriirka Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Hadaba waxaa isweydiiin leh, Aaway Shariifkii, Maxaa loo la’yahay waxqabad, Maxaase ka hortaagan in uu waxqabto?!!
W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

[email protected]