U bood dhigaalka

Saraakiil AMISOM Ah Oo Waxyeello Kasoo Gaartay Weerarkii Kismaayo

Sheeko:Dalka

Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar Ismiidaamin ah oo maanta rag ka mid ah Al-shabaab ku qaadeen Jaamacadda Magaalada Kismaayo oo tababar lagu siinayay ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay Barta Twitter-ka ee AMISOM ayaa lagu sheegay waxyeelada soo gaartay saraakiishaan.

Sidoo kale AMISOM ayaa xaqiijisay in halkaasi ay ku dhinteen 11 qof oo Laba qof ay sheegeen inay ahaayeen ragii weerarka soo qaaday, Sagaal kalena ay ka tirsanaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, lana Hayo Laba ruux oo looga shakisan yahay in weerarka ay ku jireen.

“Waxaa weerarkii Kismaayo ku dhaawacantay Seddax Sarkaal oo tababarayaal ah, waxaana dhintay 9 askari oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ah, Laba ka mid ah kooxda weerarka soo qaadday waa ay dhinteen, Ciidanka Xoogga Dalka waxaa kaloo ka dhaawacmay 6 qof, waxaana la hayaa Laba qof oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha weerarkaasi” ayaa lagu yiri Twitter-ka AMISOM.

Weerar Ismiidaamin ah ayaa gelinkii hore ee maanta lagu qaaday xarunta Jaamacadda Magaalada Kismaayo oo ay ku tababaranayeen ciidamo ka mid ah xoogga dalka Soomaaliya.

Goobjoog News