U bood dhigaalka

Saraakiil Ciidan iyo Xubno Ka Tirsan Gobolka Banaadir oo Lagu Eedeeyay Dhulboob

Sheeko:Amniga

Dad degan xaafadda Waxaracadde ee degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegeen in dhul ay leeyihiin ay xoog ah kaga dhacayaan  xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ciidan iyo ganacsato waxaana ay sheegeen in markii maamulka gobolka ay u dacwoodeen la meermeeriyey .

Dadkaan oo maanta kulan cabasho ah ku yeeshay Muqdisho ayaa xusay in dhulkaan ay sharcigiisa ay heystaan muddo gaareyso 37 sano iyaga oo intaas ku daray in dhulkaan uu yahay mid sharcigiisa ay heystaan sida uu sheegay mid ka mid ah dadkaan cabanayo. “Markaan ugu tagnay dhulkii aan ilaalinaynay intaas oo muddo 37 sano ah aan sugeynay oo aan dhowreynay oo dhaqaaluhu naga galay oo awal siyaasad aanan ku helin ee wax gatay aan u badan nahay waxaa nala yiri markii aan niyi Decomentigan ayaan ku leenahay dhulkaan aad faleysaan oo dhisaysaan ayaa nala yiri dad dhintay ayaa Decomentigan qoray ee ka dabataga” ayuu yiri.

Sidoo kale dadkaan ayaa sheegay in dacwadooda ay gaarsiiyeen maamulka gobolka weliba ay la kulmeen guddoomiye Cumar Maxamuud Filish, iyaga oo sheegay inuu guddoomiyaha uusan  dib u qaabil  sida uu sharaxayo markale. “Markaan hadalnay oo ka u gudnay maamulkiina nin ayaa fadhiyey la yiraahdo Ilkaweyne waxaa uu nagu yiri halkaan waxaan ka socda Decomentigeyga, waan ka sii gudubnay duqa magaalada ayaan u tagnay muddo dheer ka dib waa uu naqaabilay dad ka mid kuwa meesha jooga ayuu nayiri u taga, dib umaanan arag duqiina dib manooqaabilin ayuu yiri.

Dhanka kale mid ka mid ah dadka sheegay in ay leeyihiin dhulka la sheegay in ay booba ku hayaan xubno ka tirsan maamulka gobolka saraakiisha ciidanka iyo ganacsatada ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda hadda jirta ay diido waraaqo ay saxiixday dowladdii kacaanka oo ka iibsatay dhulka. “Qaranka waxaan u sheegeynaa sharci nooma sameynin kan qaata nama dhihin qarankii  Soomaaliya soomaray wixii uu ka tagay waxa nagu haysta naga waa inaad fujinmaysaan waxaan leenahay dowladdaaney dadka shacabka ah oo hoostiina jooga sharcigii dowladdii ay uga tagtay inaad ilaalisaan ayaa la idin ka rabaa” ayuu yiri.

 

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/747141729361455/?t=11

Cabashada ka soo yeertay dadkaan degan degmada Waxaracade ee degmada Hilwaa ayaa cabashadooda waxaa ay ku soo aadaysaaiyadoo moddooyinkii dambe gobolka Banaadir iyo maxkamadaha ay ku soobadanayeen dadka ka cabanayo boob lagu haayo dhulalka ay sharcigooda heystaan.

Goobjoog News