U bood dhigaalka

Askar Ku Geeriyooday Dagaal Ka Socda Isgoyska Banaadir.

Sheeko:Amniga

Ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka  ayaa dagaal uu ku dhaxmaraya Isgoyska  Banaadir  ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadkan  ayaa u dhaxeeya Ciidanka Harmacad iyo kuwa Militiriga , waxana dagaalkan uu saameyn ku yeeshay adeegyadii ka jiray isgoysyada Banaadir iyo Soobe

Dagaalkan ayaa salka ku haya muran ka dhashay , dhul ku yaalla dhabarka dambe ee  Masjidka Cabdullaahi Ciise ee Banaadir.

Askar  ka tirsan  Dowladda Federaalka ee dagaalka uu dhaxmaray ayaa la sheegay in  ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhawaacmeen.

Taliye ku xigeenka ciidanka ah ee Harmacad Cabdixamiid Abdullaahi Fanax ayaa la xaqiijinayaa inuu ka mid  yahay saraakiil ku dhaawacmay  dagaalkan , waxa sidoo kale  jira dad kale oo shacab ah oo waxyeelo ay soo gaartay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Dowladda  Soomaaliya ee la xiriira dagaalkan.

Wixii ku soo kordha halkaan kala soco.

GoobjoogNews