U bood dhigaalka

Saraakiil Ciidan Oo Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Nawaaxiga Xerada Gaadiidka Booliiska Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax kale ayaa saaka ka dhacay nawaaxiga Xerada Gaadiidka Booliska degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Maqaayad kasoo horjeedda xeradaasi ayaa la sheegay in lala eegtay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa , halkaasi oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo si kooban ula hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in halkaasi ay ku geeriyootay Seddax sarkaal oo Booliis ah, ayna dhaawacmeen Seddax qof kale oo uu sheegay inuu ku jiro ruuxii qaraxaasi ka dambeeyay.

“Qaraxa waxa uu ka dhacay meel maqaayad ah oo kasoo horjeedda xerada gaadiidka Booliiska, waxaa halkaasi ku dhintay Seddax sarkaal, waxaan isaga oo dhaawac ah qabannay ruuxii qaraxa ka dambeeyay” ayuu yiri Cali Gaab.

Waa qaraxii Labaad oo saacado gudahooda ah saaka ka dhaca magaalada Muqdisho.

Abaare 6-dii aroornimo ee saaka ayaa qarax loo adeegsaday Mooto Bajaaj waxa uu ka dhacay wadada 21 October ee magaalada Muqdisho, inkastoo aan khasaare lasoo sheegin.

2 3 4 5 6 7 8 9

Wararkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News