U bood dhigaalka

Saraakiil hor leh oo ku biiray Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Sheeko:Amniga

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo dhowaan gaaray deegaanno ka tirsan Galmudug ayaa  dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka billaabeen Gobolka Galgaduud, iyaga oo booqday deegaanno dhowr ah, kuwaas oo hoos taga degmada Baxdo oo horey ay ugu dagaallameen Al-shabaab iyo dadka deegaanka oo u badan Culimo deggan magaalada.

Waxaa Saraakiishaan  horkacaya taliyaha guutada 1-aad ee qeybta 12-ka April Korneyl Xasan Maxamed Abuukar Xasan (Jaamici) iyo  Abaanduulaha guutada 6-aad ee qeybta 60-aad ee xoogga dalka General Warsame Diirshe Xuseen Warsame Gaab, iyagoo booqday deegaannada Cadakibir iyo Maarsamage iyo Qeydara oo hoos taga Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Saraakiishaan ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa guubaabin iyo garab istaag u muujiyay dadka deegaannadaas oo iskood isku abaabulay si ay Al-shabaab ula dagaallamaan, waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Dowlad Goboleedka Galmudug, iyaga oo baaq u diray dowladda iyo maamulka.

Kaddib howlgallada Gobolka Hiiraan iyo kacdoonka dadka  deegaanka, waxaa markale Gobolka Galgaduud sidoo kale ka billowday mid ka maid ah, saraakiisha ayaa horkacaya dadka deegaanka oo markaan qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo dowladdu ay ku baaqday, kaddib baaqii uu jeediyay madaxweyne Xasan ee ku aaddan dagaalka Al-shabaab.

Deegaannada dadku ay iska aabuleen ee Gobolka ayaa ah kuwa u dhaxeeya degmooyinka Cadaado iyo Baxdo, abaabulku ma ahan mid ku kooban dhallinyarada ka dhiidhiyay Al-shabaab laakiin waxaa ku jira duqowda dhaqanka, kani waa Siciid Maxamuud Cawaale Waa 77 jir dagaalkana uu diyaar u yahay, isagu waxaa uu horkayaa dadka iska abaabulay Cadakibir.

Saraakiishu waxaa ay safarkooda ka billaabeen Baxdo iyaga oo gaaray Maarsamage, Cadakibir  iyo deegaanka Qeydaro oo ay maanta kula kulmeen boqollaal dhallinyaro ah oo isku abaabulay dagaalka ka dhanka ah  Al-shabaab, sidii horey ay isugu abaabuleen dadka deegaannada Cadakibir iyo Maarsamage oo Baxdo hoos taga oo dhowr jeer lagu dagaakamay.

Al-shabaab ayaa deegaannadaan horey uga qarxiyay Ceelasha iyo Barkadaha biyaha lagu keydsado, iyaga oo sidoo kale jaray isgaarsiinta deegaannadaan, taas ayaa dhalisay in dadku ay kacaan iyaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin dagaal lagu qaado Al-shabaab oo dhowr iyo toban sano ku sugnaa deegaanno  ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug.

Suldaan Mowliid Shiikh Jaamac Suldaan Axmed Nuur oo ah Suldaanka guud ee Beesha degta deegaannada ay abaabulka ka socdaan ayaa dhankiisa safarka ku wehlinayo saraakiisha ciidan, waxaana dowladda federalka iyo Galmudug uu ugu baaqay in ay taageero buuxda siiyaan dadka deegaannadaan ee iskood isku abaabulay, hubkana u qaatay  dagaalka Al-shabaab

Kacdoonka dadka is abaabulay ee ku aadan dagaalka ka dhanka Al-shabaab ayaa waxaa sidoo kale uu ka socdaa deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaas oo dhowr jeer ciidanka deegaanka oo kaashanaya xoogga dalka, howlgalka Hiiraan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Cali Jeyte Cismaan, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Hirshabeelle.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhowaan waxaa uu sheegay in dowladda federalka Soomaaliya ay taageerayso dadka isbaabulay, waxaana uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, oo xilligaan wajahaya kacdoon kaga imaanaya shacabka is abaabulay ee dagaalka kala hor yimid goboollada Hiiraan iyo Galgaduud oo muddo ay ku sugnaayeen.

Goobjoog News