U bood dhigaalka

Saraakiil Itoobiyaan Ah Oo Kismaayo u Tagay Sahminta Halka La Dejinayo Ciidamo Ka Socda Dalkooda

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, waxaa gaaray saraakiil ka socota dowladda Itoobiya, kuwaa oo la sheegay in ay sahminayaan halka la dejin lahaa ciidamo Itoobiya ah oo dhawaan magaaladaasi la geyn doono.

Sarakiishaan ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah xeryaha ciidan ee ay magaalada Kismaayo ka deggan yihiin kuwa AMISOM, waxaana lasoo sheegayaa in kulamo ay la qaateen saraakiisha kale ee ku sugan magaaladaasi.

Sidoo kale Saraakiishaan ayaa sheegay in magaalada Kismaayo u tageen sidii ay u indha indheen lahaayeen halka la dejinayo ciidamada Itoobiya ee ka midka ah howlgalka AMISOM.

Dhawaan ayaa la sheegay in magaalada Kismaayo la geynayo ciidamo AMISOM ah, kana socda dowladda Itoobiya, xilli magaaladaasi ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya.

Goobjoog News