U bood dhigaalka

Saraakiil Ka Socotay Booliiska Dowladda Federaalka Oo Kormeeray Ciidan Lagu Tababarayo Cadaado

Sheeko:Dalka

Saraakiil ka tirsan Booliska Dowladda Federaalka iyo kan Galmudug ayaa maanta kormeer ku tegay xero ciidan oo tababar uu uga soconayo ciidamo ka tirsan Galmudug.

Xeradaan ciidan oo ku taalla magaalada Cadaado ayaa waxaa tababar uu uga soconayaa ciidamo gaaraya 400 oo boolis ah oo Galmudug ka tirsan.

Taliyaha ciidanka booliska dowlad gobaleedka Galmudug Gaanshaanle Sare Cabdicasiis Yuusuf Aadan (Dhaga Badan) ayaa madasha ka sheegay in ay u kuurgalayaan xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada tababarka ku qaadanaya magaalada Cadaado.

Wuxuu sheegay in markii ciidamadani tababarka uu usoo dhammaado inay guda geli doonaan howlahooda oo ay ka qeyb qaadanayaan xaqiijinta ammaanka magaalada Cadaado iyo degaannada kale ee Galmudug.

“Ciidamada muddo 50 cisho ah ayay hadda tababarka ku jireen wax badan ayaana iska bedalay muuqaalkooda waan ka mahadcelinaynaa arrintaasi oo dowladda dhexe ay naga caawisay” ayuu yiri taliyaha booliska Galmudug.

Waxaa kaloo uu sheegay taliyaha booliska Galmudug Gaashaanle sare Cabdicasiis in tababarka uu soo xiri doono taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo Cadaado booqan doona.

Dhanka kale saraakiisha ka socotay Booliska Dowladda Federaalka ayaa la dardaarmay ciidamada booliska maamulka Galmudug ee tababarka qaadanaya, waxa ayna u jeediyeen inay karantiilaan wax walba oo ammaanka degaannada Galmudug halis ku ah.

Goobjoog News