U bood dhigaalka

Saraakiil ka socotay UNSOM oo Baydhaba kula kulmay odayaasha ku howlan dhismaha Koonfur Galbeed (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay waxaa maanta gaaray saraakiil ka socota xafiiska UNSOM, kuwaa oo kulamo la qaatay waxgaradka ku howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in xubnahaan ay kala hadleen arimaha ku aadan doorashada maamulka Koonfur Galbeed iyo xilliga ay dhaceyso.

“Waxay nagu war geliyeen in shirka lasoo gaba gabeeyo oo doorashada ay dhacdo, anaga diyaar ayaan u ahayn, maanta ayuu qorshaha ahaa, laakiinse ugu dambeyn waxaan u sheegnay in maalinta Isniinta ah ay dhacayso” Malaaq Shiino ayaa sidaasi yiri.

Dhanka kale malaaqa ayeeynu wax ka weydiinay arinta ku aadan qoraalkii madaxda dowladda ee ku aadanayd hakinta shirka maamulka Koonfur Galbeed ee socda.

“Taas anaga nama quseyn, mana qaadan, jawaabteeda waan bixinay, iyaguna nama weydiin, anagane lama doonan oo arintaas mar hore ayaan meel iska saarnay oo dheg jalaq uma siin, mana la hadlin madaxda dowladda, isniinta in ay doorashado dhacdo ayaan ku balan sanahay, wafdigaanna wey inoo imaanayaan” Malaaqa ayaa hadalkiisa raaciyay.

Malaaq shiino ayaa dhanka kale been abuur ku sheegay in wafdigaan halkaasi ay u tageen sidii loo hakin lahaa shirka Baydhaba ka socdo, waxaana uu sheegay in xubnahana ka socda UNSOM ay iyagaba diyaar u yihiin in ay dhacdo doorashada.

Ugu dambeyn Malaaq Cali Cabdiraxaan Shiino ayaa sheegay in aysan jirin sabab rasmi ah oo ay u hakiyaan shirka ka socda magaalada Baydhaba, waxaana uu ku cel celiyay in madaxweynaha Soomaaliya uu horay amar ugu bixiyay in deg deg maamulkaan lagu soo dhiso.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysi aynu la yeelanay Malaaq Shiino.

Goobjoog News