U bood dhigaalka

Saraakiil Uu Dalacsiiyay Madaxweynaha Oo Darajooyinkooda Loo Xiray

Sheeko:Dalka

Manaasabad darajo lagu guddoonsiiyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida iyo guddoomiyaha darajada koobaad ee ciidanka qalabka sida ayaa maanta ka dhacday dugsiga tababarka ciidamada qalabka sida ee magaalada Muqdisho.
Digreetada lagu dalacsiiyay saraakiishaas uu akhriyay Madaxa Hogaanka ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto Cabdullaahi Ahmed Ceynte ayaa u qorneyd sidan:
“Xeer number 34 soo baxay taariikhda 4tii bisha 5aad u jeedadeedu tahay dalacsiin abaal marin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya markuu arkey qodobka 87 farqadda koowaad, xarafkiisu (A) iyo farqada labaad ee Dastuurka kumeel gaarka ah Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya markuu arkey qodobka 90 xarafka (B) ee Dastuurka ku meel gaarka ah Jamhuuriyadda federeelka Soomaaliya laga bilaabo markuu Madaxweynaha saxiixo xeerkan waxaa saraakiisha hoos magacooda ku qoran loo dalacsiiyay sida tan Gaashaale sare Liibaan Ali Yarow waxaa loo dalacsiiyay Darajada Sareeyo Guuto, Gaashaale Dhaxe Xasan Cali Nuur Shuute waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashaale Sare’’

guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida iyo guddoomiyaha darajada koobaad ee ciidanka qalabka sida oo goobta ka hadlay ayaa ka Mahadceliyay dalacsiinta iyagoo ballan qaaday in ay dadaalka sii wadayaan.

Goobjoog