U bood dhigaalka

Saraakiisha Ahlu-sunna Ee Gobalka Gedo Oo Sheegay In Al-shabaab Dhabar Jab Ay Ku Tahay Is Dhiibitaankii Sakariye Ismaaciil (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ahlu-sunnaSaraakiisha Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalka Gedo ayaa sheegay in dhabar jab xoogan ay ku tahay Al-shabaab is dhiibitaankii dhawaan ee uu is dhiibay Sarkaal ka mid ahaa Ururkaasi, kaa oo lagu magacaabo Sakariye Ismaaciil.

Sheekh Isaaq Mursal oo ka mid ah saraakiisha Ahlu-sunna oo u waramay Goobjoog  Fm ayaa sheegay in tani ay sahli karto in guud ahaan gobalka Gedo Al-shabaab looga saaro si sahlan.

“Howlgalkeena ayeey tani dhiira gelinaysaa, waayo waxaa cad in Al-shabaab hadda ay kala jabeen, sarkaalkaasi is dhiibayna howl muhiim ah ayuu u haayay” Ayuu Yiri Sheekh Isxaaq.

Dhanka kale Sarkaalkaan ka tirsan Ahlu-sunna Waljameeca ayaa sheegay in uu jiro khilaaf soo kala dhex galay Xarakada Al-shabaab ee ku sugan degmada Baardheer, taasi oo uu ku tilmaamay in faa’ido u tahay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu-sunna Waljameeca.

Sheekh Isaaq Mursal ayaa ugu dambeyn sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan duulaano uu ku micneeyay in ay ku xureyn doonaan dhamaan deegaanada gobalka Gedo ka joogaan Al-shabaab.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News