U bood dhigaalka

Saraakiisha AMISOM Ee Gobalka Hiiraan Oo Lagu Eedeeyay In Baladweyne Ay Ka Wadaan Dhul Bixin Sharci Darro Ah (Dhageys)

Sheeko:Dalka

BaladweynWaaxda Dhul Bixinta maamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegay in saraakiil ka mid ah ciidamada AMISOM ay magaalada Baladweyne ka wadaan Dhulbixin Sharci Darro ah oo aanu maamulka waxba kala socon.

Agaasimaha waaxdaasi Xuseen Maxamed Fiidoow oo booqasho ku tagay Xarunteena Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in dad Soomaali ah iyo saraakiil AMISOM ay iska kaashanayaan arintaan, islamarkaana dhulalka shacabka la siinayo shirkado, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“ Waxaa jira dad sharci darro ku dhaqamaya, waxay ka jirtaa dhanka ciidamada AMISOM, niman shirkado ah iyo niman AMISOM ah ayaa waxay ku heshiiyeen qandaraasyo ay Xamar kasoo qaateen iyaga oo aan nasoo ogeysiin, kuna shaqeysta dad Soomaali ahna u adeegsada xerada AMISOM dhexdeeda, saraakiisha AMISOM iyo niman Soomaali ah ayaa ku lug leh arintaasi, anaga manaloo soo sheegin, dhawaan dacwadooda ayaan soo ogeynaa, waxaan u sheegaynaa inay arintaasi qalad ay tahay, hanti boob ay tahay, laguna dhacayo dalka hantidiisa, dad shaqsiyaad ahna ay kala macaamileen, arintaan ilaa madaxda sare Muqdisho ayaan gaarsiineynaa, anagaa ka mas’uul ah, maamul ayaa gobalka ka dhisan”

Dhanka kale Agaasimaha ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in AMISOM oo nabad ilaalin loo keenay ay ku kacaan falal uu sheegay in xadgudub ku yahay maamulka.

Weli saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan gobalka Hiiraan kama aanay hadal eedeyntaan kaga timid dhanka maamulka gobalka Hiiraan, gaar ahaan agaasimaha waax Dhulbixinta maamulkaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News