U bood dhigaalka

Isbaarooyin Yaallay Sh/hoose Oo La Qaadey

Sheeko:Dalka

Saraakiisha amniga ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay qaadeen qaar kamid ah Isbaarooyin yaallay deegaanno kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan wadada isku xirta Afgooye iyo Wanlaweyn.

Waxa ay sheegeen saraakiishan oo la hadlay Goobjoog News in ay sameeyeen Howlgal isbaaro qaadis ah, waxaana dib u bilowday isku socodka gaadiidkii isga kala gooshi jiray degmooyink Baydhabo iyo Afgooye oo shaqa joojin ku dhawaaqay maalmo ka hor.

Maxamuud Cali Axmed oo ka mid ah wadayaasha gaadiidka ayaa Goobjoog News u xaqiijiayay in mar kale uu dib u bilowday isku socodka gaadiidka isku xira degmooyinka Afgooye iyo Baydhabo, waxa uuna yiri;

“Waxaan la kulannay guddoomiyaha gobolka, waxaan la kulannay taliyaha Booliska Soomaaliyeed,  waxaan la kulannay ninka ugu sarreeya xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaan kula kulannay degmada Afgooye afaafkeeda hore, isbaarooyinkii tirada badaneyn waa laga qaaday oo saddex isbaaro ayaa lagu soo reebay sida ay hadda warbixinta noogu sheegeen, Saddex meelood ayay laamiga ka daggan yihiin wixii intaa dheerna hanala socodsiiyo ayay dhaheen”.

Darawalka ayaa intaa sii raaciyay in hadda meesha ay ka baxday sababtii markii hore ay shaqa joojinta u sameeyeen maadaama isbaarooyinkii tirada badnaa meesha laga saaray.

Gaadiidka ku safra wadada u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn ayaa Saddex maalmood ka hor sameeyay shaqo joojin ay uga cabanayaan isbaarooyinka tirada badan ee daadsan wadada ay ku safraan, iyadoo kharashaadka faraha badan ee uga baxa wadadu ay noqdeen kuwo aaney xamili karin.

Goobjoog News