U bood dhigaalka

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Ee Gobalka Gedo Oo Mushaar La’aan Ka Cabanaya

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobalka Gedo ayaa sheegay in aysan hayn wax mushaar ah, islamarkaana aysan ogeyn meel ay mushaarkooda u doontaan.

Korneel Aadan Jeelle Faarax oo la hadlay Goobjoog News, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Baardheere waxa uu sheegay in muddo ka badan Sanad aanay qaadan wax lacag ah, islamarkaana mushaar la’aantaasi uu sabab u yahay sida uu sheegay Taliyaha xukumada ciidamada ee gobalka Gedo Korneel Cabaas Ibraahim Gurey.

Ciidamada ku sugan gobalka Gedo ayuu sheegay in Laba qeyb ay kala yihiin, islamarkaana iyaga yihiin kuwii lagu soo tababaray Kenya, kana soo galay gobalka dhanka Ceel-waaq, kuwaasi oo illaa hadda mushaar aan qaadan.

“Annaga Kenya ayaa nalagu soo tababaray, Taliyahii Guutadan Cabaas Ibraahim Gurey ayaa naga raacay gunno yar oo kaga timaada Jubbaland, illaa hadda annaga meel aan wax u doonano ma naqaan, Federaalkii xiriir lama leh, meel uu noo jiheynayo malaha” ayuu yiri Korneel Jeelle.

Ugu dambeyn Korneelkaan Cabashada ah ayaa sheegay in hadii sidaan ay wax kusii socdaan ay iyaga dhexdooda hogaan sameysan doonaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News ayaa xiriir la sameysay Korneel Cabaas Ibraahim Gurey si aynu wax uga weydiino cabashada ay qabaan ciidanka uu taliyaha u yahay, hase ahaatee inooma suurta gelin.

Goobjoog News