U bood dhigaalka

Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugidda Jubbaland Oo Sheegay Inay Fashiliyeen Miino Lagu Aasay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada Nabad sugidda maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay fashiliyeen Miino lagu aasay garoonka Kubadda cagta Waamo, ee magaalada Kismaayo, halkaasi oo dhalinyarada ay maalin walba u ciyaar tagaan.

Afhayeenka ciidamada Nabadsugidda Jubbaland Axmed Carab oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shacabka ay soo sheegeen in Miino lagu aasay garoonka, sidaasina lagu qarxiyay.

“Ciidamada oo shacabka la shaqeynayo ayaa inoo soo sheegay Miino ay ku aaseen garoonka kubadda cagta ee Waamo, ciidamo u gaar ah ayaa loo diray halkaasi, waana la qarxiyay Miinada” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhinaca kale Axmed Carab ayaa sheegay in shacabka Kismaayo ay yihiin kuwo u taagan sidii magaaladooda nabad u noqon lahayd, ogaadayna in dhibaato iyaga lala damacsan yahay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Qaraxyada Miinada ah ayaa maalmihii ugu dambeeyay noqday kuwo kusoo laablaabtay magaalada Kismaayo, waxaana qaraxii ugu dambeeyay uu ka dhacay goob maqaayad ah, iyadoo ay ku geeriyoodeen Laba caruur ah oo isla dhalatay.

Goobjoog News