U bood dhigaalka

Saraakiisha Ciidamada Puntland Oo Sheegay In Ay Xaqiijin Doonaan Amaanka Gal-gala Oo Dagaalo Ka Dhaceen (Dhageeyso)

Sheeko:Dalka

Puntland okSaraakiisha ciidamada maamulka Puntland ayaa sheegay in ay xaqiijin doonaan amaanka guud ee Buuraha Gal-gala ee gobalka Bari, halkaasi oo maalmahaan ay ka dhacayeen dagaalo u dhaxeeya ciidamada maamulkaasi iyo kuwa Al-shabaab.

Gal-gala waxaa ku dhawaad Shan Maalin ka socday dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab, waxaana dagaalkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanka Gal-gala ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ciidamada Puntland ka wadaan dhaq dhaqaaq ciidan, iyadoo xiisad xoogan halkaasi laga dareemayo.

Deegaanka Gal-gala waa dhul Buuraleey, waxaana dhulkaasi ku yaalay Beero, iyadoo dad badan ay halkaasi ku dhaqnaayeen, hase ahaatee shacabkii ayaa gabi ahaanba deegaankaasi isaga barakacay.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay dagaaladaasi waxa uu sheegay in ciidamadooda ay guuleysteen, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen saraakiil ka mid ah Al-shabaab.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin dagaaladaasi, hase ahaatee Gal-gala ayaa inta badan waxaa ka dhaca dagaalo sidaan oo kale ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News