U bood dhigaalka

Saraakiisha dowladda ee Gal-gaduud oo sheegay in dagaal ay ku dileen ciidamo ka mid ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegay in ay dileen rag ka mid ah Al-shabaab, ka dib dagaal ka dhacay deegaanno katirsan gobalkaasi.

Maxamed Kaahiye Caraale oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobalka Gal-gaduud ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in iyaga iyo Al-shabaab ku dagaalameen deegaano hoostaga degmada Ceel-garas ee gobalkaasi.

Waxa uu sheegay in ay sii xoojin doonaan howlgalada ay ku doonayaan inay kula dagaalamaan Al-shabaab, oo ay tilmaameen in weli ay ku harsanyihiin deegaano badan oo ka mid ah gobalkaasi.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin hadalkaan kasoo yeeray saraakiishaan, waxaana wararka ka imaanaya deegaanadii lagu dagaalamay aya sheegayaan in xaaladda ay tahay mid aad u degan.

Gobalka Gal-gaduud ayaa ka mid ah gobalada ay ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan howlgalada ay kula dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News