U bood dhigaalka

Saraakiisha Dowladda Ee Gedo Oo Guul Ka Sheegtay Dagaal Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guullo ka sheegtay dagaallo ay deegaanka Garilley ee gobalkaasi kula galeen Xarakada Al-shabaab.

Cismaan Nuux Xaaji oo ka mid ah saraakiishaan ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada ay jidka u galeen rag ka mid ah Al-shabaab, ayna ka gubeen gaadiid.

“Ciidankeena ayaa weeraray niman Al-shabaab ah oo doonayay inay nasoo weeraraan, innaga hal nin baa naga dhintay, Al-shabaab waxaan ka dilnay Seddax, gaarina waan ka gubnay” ayuu yiri Sarkaal Cismaan Nuux

Dhinaca kale sarkaalkaan ayaa sheegay in ay ka war hayaan dhaq dhaqaaq walba oo Al-shabaab ay ku damacsan yihiin in ay kusoo weeraraan goobaha ay ciidamada dowladda ka deggan yihiin gobalka Gedo.

Ugu dambeyn Cismaan Nuux Xaaji ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobalka Gedo, gaar ahaan deegaanada laga saaray Al-shabaab in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda si amniga isbedal badan looga keeno.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waday maalmihii ugu dambeeyay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana xusid mudan in ciidamadaan ay dhawaan la wareegeen degmada Baardheere oo Al-shabaab muhiim u ahayd.

Goobjoog News