U bood dhigaalka

Saraakiisha Dowladda Ee Gedo Oo Sheegay In Todobaad Ku Qabsan Doonaan Degmada Baardheer (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Saraakiisha dowladda Federaalka ee ku sugan gobalka Gedo ayaa sheegay in dagaal ay kula wareegi doonaan deegaan walba oo gobalkaasi ka mid ah, islamarkaana ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Nuur Siyaax Xareed oo ka mid ah saraakiishaan ayaa  u sheegay Goobjoog Fm, in xilligaan ay wadaan diyaar garoow xoogan, islamarkaana ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan deegaanada weli gacantooda ka maqan.

Ciidamada AMISOM ayuu sheegay in ay kala kaashan doonaan duulaanada dhawaan ay qorsheynayaan, waxaana uu tilmaamay in diyaar garowgii ugu dambeeyay ay ku jiraan.

“Qorshaheena waxa uu yahay in howlgalka wejiga Labaad ee Jubooyinka aan kusoo afjarno Al-shabaabka jooga Baardheere, waxaana kala kaashan donnaa ciidamada AMISOM, Todobaadka soo aadanna ayaan rajeynaynaa inaan gacanta ku dhigno Baardheere” Nuur Siyaax ayaa sidaasi sheegay.

Inta badan maamulka gobalka Gedo iyo saraakiisha ciidanka ee ku sugan gobalkaasi ayaa sheega muddo Laba Sano ka badan in ay la wareegi doonaan degmada Baardheere ee gobalka Gedo, halkaasi oo muddo badan ay maamulayeen Al-shabaab.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News