U bood dhigaalka

Saraakiisha Dowladda Ee Gobalka Gedo Oo Sheegay In Al-shabaab Ay Kala Wareegeen Deegaanno Hor Leh

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobalka Gedo ayaa sheegay in Xarakada Al-shabaab ay kala wareegeen deegaanno  hor leh oo ka tirsan gobalkaasi.

Cabdullaahi Cismaan Isaaq oo ka mid ah saraakiishaan ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada ay qabsadeen deegaanno ku dhaw deegaanka Cara Case ee gobalka Gedo.

Waxa uu sheegay in halkaasi dagaallo ay ka dhaceen, kuwaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

“Waxaan la galnay nimankii Al-shabaab ahaa dagaal xoogan, waxaan ka qabsanay deegaanno badan oo Care Case ku dhaw, waxaan ka dilnay 7 nin, anagane Seddax qof ayaa naga dhaawacantay” ayuu yiri Sarkaal Cabdullaahi.

Al-shabaab dhankooda kama aysan hadal dagaalladaasi dhacay iyo waxa ka jira in askar laga dilay, hase ahaatee ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay ku siqayeen deegaanno hor leh oo ka mid ah gobalada dalka islamarkaana ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Goobjoog News