U bood dhigaalka

Saraakiisha Dowladda Ee Gobolka Hiiraan Oo Guul Ka Sheegtay Dagaallo Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay tuulada lagu magacaabo Ceel-dheer taasi oo ka mid ah deegaannada hoostaga deegaanka Ceel-cali ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen Tuuladaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Ceel-cali Yarow Cumar Abiikar oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhankooda uu ka dhaawacmay Hal Askari, sidoo kalena dhanka Al-shabaab ay ka dileen Saddex Askari waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka Al-shabaab kama aanay hadal wax ka jira khasaarahan la sheegay inuu ciidankooda soo gaaray.

Xaaladda guud ee meelihii lagu dagaallamay ayaa ah mid deggan, inkastoo shacabkii deganaa Tuulada Ceeldheer ay billaabeen in halkaasi ay ka barakacaan.

Goobjoog News