U bood dhigaalka

Saraakiisha Dowladda Ee Ku Sugan Duleedka Kismaayo Oo Dhaliilay Madaxda Dowladda

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ayaa dhaliil u jeediyay madaxda dowladda, taasi oo ku aadan in ay garab siinayaan maamulka Jubbaland oo aan dhaqan gelin sida ay sheegeen heshiisyo horay loo gaaray.

Cabdirashiid Macalin Gaas oo ka mid ah saraakiishaan ayaa lasoo xiriiray Goobjoog News, waxaana uu sheegay inuu aad uga xunyahay waxa ka dhacay magaalada Kismaayo ee ah Caleema saarka Axmed Madoobe.

“Waxaan ka xunnahay madaxweynaha in isaga oo og wax walba oo ka jira magaalada Kismaayo, uu hadana usoo hambalyeeyo Axmed Madoobe oo dhibaato ku haya dadka iyo dalka intaba, waxaa jiray heshiisyo horay loo gaaray, hadana dhammaantood ma jirto wax laga fuliyay, shacabka maalin walba ayaa la’iska laynayaa, cid ka hadleysana malahan” ayuu yiri Sarkaalkaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay Cabdirashiid Macalin Gaas, in hadda ay u arkaan dowladda inay qeyb ka qaadanayso dhibaatada lagu hayo shacabka ku dhaqan Juubooyinka, maadama ay taageersan tahay Jubbaland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka ayaa shalay ka qeybgalay Caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, taasi oo ay carro ka muujiyeen siyaasiyiin iyo xubno kale oo markii hore dhaliilsanaa maamulka Jubbaland.

Goobjoog News