U bood dhigaalka

Saraakiisha dowladda oo faah faahin ka bixiyay dagaal ka dhacay gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo, ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal duleedka degmadaasi ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Ururka Al-shabaab.

Khliif Nuur Xiireey oo ka mid ah saraakiishaan ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay qaadeen duulaanka dagaalkaan, islamarkaana ay waxyeelo soo gaarsiiyeen Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale waxa uu sheegay Khaliif in deegaankii ay weerarka ku qaadeen ciidamada dowladda ay la wareegeen, ayna doonayaan in deegaano kale ay qabsadaan.

Dhanka Ururka Al-shabaab, wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi, hase ahaatee gobalka Gedo deegaano ka mid ah weli waxaa gacanta ku haaya Xarakada Al-shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Sarkaal.

Goobjoog News