U bood dhigaalka

Saraakiisha Dowladda Oo Guul Ka Sheegtay Dagaal Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan ayaa Guul ka sheegtay dagaal ay Xarakada Al-Shabaab kula galeen duleedka dagmada Buuloburde ee Gobolkaasi.

Dagaalkaan oo ku bilowday Weerar ay Ciidamada Dowladda ku qaadeen deegaanka Abooreey oo duleedka ka ah dagmada Buuloburde ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ilaa 8-ruux oo kala ahaa dhinacyada uu dagaalka dhex maray.

Gaashaanle Cabdulaahi Barre Cilmi oo ka mid ah Hogaanka Milateriga Dowladda ee Gobolka Hiiraan ayaa Goobjoog FM u sheegay in dagaalka ay Qasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab inkastoo uu xusay inay dib uga soo laabteen deegaankaasi.

“Goob Al-shabaab ay deganaayeen ayuu duulaankaan ka dhacay, ciidamada guul ayeey gaareen, qaarkood Al-shabaab ayaan halkaasi ku dilnay, waxaa dhaawacmay rag maxaabiis ahaan ay u haysteen, howlgalkana waxa uu kusoo dhamaaday sidii loogu talagalay” ayuu yiri Gaashaanle Cabdullaahi Bare.

Dhinaca kale Gaashaanlaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka ay wadi doonaan howlagalada ka dhanka ah Al-shabaab, tan iyo inta ay ciidanka kala wareeegi doonaan deegaanada ay gobalka Hiiraan ka maamulaan.

Goobjoog News