U bood dhigaalka

Saraakiisha Hay’adaha Amniga Dowladda Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Howlgal Ay Ka Sameeyeen Degmooyin Ka Mid Ah Muqdisho

Sheeko:Dalka

HowlgalSaraakiisha hay’adaha amniga ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka wadeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Khaasim Axmed Rooble oo ah afhayeenka laamaha amniga oo maanta saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalada ay ahaayeen kuwo amaanka lagu xaqiijinayo, islamarkaana lasii wadi doono.

Waxa uu tilmaamay in howlgaladii ugu dambeeyay ay sameeyeen xilli habeen ah, ayna ka sameeyeen degmooyin ay ka mid yihiin Xamarjajab, Xamarweyne iyo Boondheere, waxaana uu tilmaamay in dad badan lasoo qab qabtay, balse intii badneyd markii wax dambi ah lagu waayay lasii daayay, balse hadda ay gacanta ku hayaan dad yar oo baaritaano ka socda.

Afhayeen Khaasim ayaa dhanka kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xilligaan barteen la shaqeynta hay’adaha amaanka, islamarkaana ay tixgeliyaan xilli walba oo ciidamada wadaan howlgalo amni sugid ah.

Ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maalmahaan dambe sii xoojiyay howlgalada lagu xaqiijinayo amaanka guud ee magaalada Muqdisho, waxaana ay howlgal sameeyaan habeen iyo maalin.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News