U bood dhigaalka

Saraakiisha Maamulka Jubba Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Howlgalo Ay Ka Sameeyeen Kismaayo Iyo Nawaaxigeeda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

KismaayoSaraakiisha maamulka KMG ee Jubba ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal ay ciidamada maamulkaasi ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Kismaayo iyo sidoo kale deegaanada ku dhaw sida Buulo-gaduud, iyadoo lasoo qabtay dad lagu tuhunsan yahay in ay ka mid yihiin Al-shabaab.

Baaritaanka ayaa xoogiisa ka dhacay duleedka magaalada gaar ahaan halka laga soo galo, waxaana saraakiisha sheegeen in ay qabteen ilaa 13 qof oo lagu tuhun san yahay in ay Al-shabaab ka mid yihiin.

Korneel Maxamed Diiriye oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo, sidoo kalena ay wadi doonaan tan iyo inta amniga guud uu wax iska bedali doono.

Ciidamada maamulka Jubba ayaa waday howlgal xoogan oo ay ku doonayaan in lagu xaqiijiyo amniga guud ee deegaanadii dhawaan ciidamada Al-shabaab lagala wareegay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News