U bood dhigaalka

Saraakiisha Maamulka KMG ee Jubba Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Howlgalo Xiriir Ah Oo Ka Socda Kismaayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

KismaayoSaraakiisha maamulka KMG ee Jubba ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal ciidamada maamulkaasi ay ka wadaa dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose iyo sidoo kale deegaanada magaaladaasi hoostaga.

Korneel Maxamed Ibraahim Buulle oo ka mid ah saraakiisha howlgalkaan hogaaminaysa ayaa isaga oo isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo u sheegay Goobjoog Fm, in howlgalka uu yahay mid amaanka guud ee magaaladaasi lagu qaxiijinayo.

Waxa uu sheegay in guryaha magaalada Kismaayo ay mid mid u baarayaan, islamarkaana ay ugu tala galeen in ay cagta mariyaan cid walba oo ay u arkaan in amniga ay kasoo horjeedaan.

“Howlgalka waa mid guud ahaan magaalada Kismaayo laga sameynayo, waxaan ciidamada ay yihiin kuwo u taagan in ay la dagaalamaan cid walba oo amniga wax u dhimeysa, magaaladas iyo daafaheeda ayeeynu howlgalkaan ka wadnaa” ayuu yiri Korneel Maxamed Ibraahim Buulle.

Ciidamada maamulka KMG ee Jubba ayaa maalmahaan dambe waxa ay xoojiyeen howlgalada ay ka wadaan magaalada Kismaayo iyaga oo soo qab qabtay dad ay lagu tuhmayo in ay maleegayeen falal amniga kasoo horjeeda.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News