U bood dhigaalka

Saraakiisha maamulka KMG ee Jubba oo faah faahin ka bixiyay rag ka mid ah Al-shababa oo ay sheegeen inay gacanta ku hayaan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Saraakiisha maamulka KMG ee Jubba ee ku sugan deegaanka Kudhaa ee gobalka Jubada Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay rag ka mid ah Xarakada Al-shabaab oo ay sheegeen in dhawaan ay kusoo qabteen dagaal ka dhacay gobalka Jubada Hoose.

Waxa ay sheegeen in ragaan ay hayaan qaarkood dhaawacan yihiin islamarkaana hadda ay deegaankaasi ku daweynayaan.

Kornayl Cabdulaahi Dhega Cadde oo ka mid ah Saraakiisha hogaaminaysa hawlgaladaan kuna sugan Degaanka Kudhaa ayaa sheegay in sidoo kale hub ay ka qabsadeen Ciidamadii dagaalka ay la galeen ee Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ka sakow hadalkan Sarkaalkan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Al-shabaab ee ku aadan hadaladan Saraakiisha Juba ay ku sheegayaan in Ciidamo looga qabsaday dagaalo ay la galeen ciidamada Jubba iyo kuwa AMISOM.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News