U bood dhigaalka

Saraakiishii u Xirnaa Qaraxii Hotelka SYL Oo Qaarkood Lasii Daayay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta sii deysay 7 ka mid ah 11 sarkaal oo loo xiray qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee 22-kii Janaayo ee Sanadkaan lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Shuute oo ah gudoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dhawaaqay in maxkamadda ay fasaxday saraakiishaan, kuwa harayna waxa ay maxkamaddu sheegtay in dib loo dhigay maxkamadeynta saraakiisha kale ee hartay.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in baaritaan ka dib wax dambi ah lagu waayay xubnahaan maanta la fasaxay.

Magacyada Xunaha lasii daayay

  1. G/sare Bol. Maxamed Ismaaciil Cali.
    G/sare Bol. Cali Axmed Cabdi.
    3. Dhamme Bol. Bashiir Yuusuf Fooleey.
    4. L/X/le Bol. Cabdifitaax Aadan Axmed.
    5. A.le Bol. 17086 Salaad Cabdullaahi Sh Cali.
    6. D/le Bol. 20897 Cabdikamaal Xuseen Cabdi.
    7. D/le Bol. 20860 Maxamed Cali Xasan. 

Magacyada Saraakiisha dib loo dhigay Maxkamadeyntooda

  1. G/le dhexe Maxamed Daahir Cabdulle
    L/x/le Mahad Cabdi Cumar
    3. X/le Xasan Daahir Maxamed
    4. K/S Axmedkhadar Maxamed Xasan.

 Goobjoog News