U bood dhigaalka

Saraaskiisha Dowladda Federaalka Ee Hiiraan Oo Guul Ka Sheegtay Dagaal Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobalka Hiiraan ayaa Guul ka sheegtay dagaal ay Al-shabaab kula galeen deegaan 22 KM u jira magaalada Baladweyne.

Korneel Isaaq Cismaan oo ka mid ah saraakiishaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidankooda ay ka baxeen magaalada Baladweyne, ay seexdeen Tuulo lagu magacaabo Baar, hase ahaatee ay weerar kala kulmeen ciidamada Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay in dagaalkaasi ay ku dileen 8 qof oo mid ka mid ah uu sheegay in Ajnabi uu yahay.

“Annaga oo ku sugan deegaanka Baar ayeey nasoo weerareen Al-shabaab, waxaan ka dilnay 8 qof oo Hal qof yahay Ajnabi kaasi oo aan u maleynayo Pakistan inuu yahay, ciidamada Itoobiya ayaa noo yimid, waana soo sawirnay, annaga Hal Askari ayaa naga dhaawac ah” ayuu yiri Korneelka.

Dhinaca kale Korneel Cismaan ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan rag kale oo ka mid ah Al-shabaab oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen raggii weerarka kusoo qaaday.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal dagaalkaan ay la galeen ciidanka dowladda Soomaaliya, inkastoo deegaanadii lagu dagaallamay xaaladda ay tahay mid deggan.

Goobjoog News