U bood dhigaalka

Sarakac Ku Yimid Qiimaha Lagu Iibiyo Kalluunka Suuqyada Magaalada Berbera

Sheeko:Amniga

Waxaa sare u kac xooggan uu ku yimid qiimaha la kala siisto Kalluunka noocyadiisa kala duwan ee suuqyada magaalada Berbera, kaas oo hadda aad uga sareeya qiimahii hore ee la iibin jiray.

Sababta arintaan keentay ayaa lagu sheegay dabaylo xooggan oo xilligaan badda ka jira, islamarkaana ay yaraadeen doomihii badda u kaluumaysi tagi jiray.

Goobjoog  oo  booqatay Qaar mamid ah Goobaha lagu iibiyo kaluunka ee kuyaala magaalada Berbera, ayaa waxaa ganacsatada kalluunka iibisa ay uga waremeen sida ay u wajahaan bad xiranka iyo xilliyada uu suuqa hoos u dhac uu ku yimaado.

Guuleed Diiriye waxa uu kamid yahay maamulka xarunta masha Allah fishing oo kutaala Berbera, waxa uu Goobjoog uga waramaya xaruntiisa iyo sida ay u kaydiso kalluunka.

Dhanka kale Guuleed ayaa sheegay in xiligaan ay jiraan dabeylo badan oo caqabad ku ah kaluumeystayaasha Badduna tahay mid aad u kacsan oo aysan gali karin doomaha yar-yar ee lagu kaluumeysto.

Hoos ka daawo warbixinta aan ka diyaarinaya sarakaca ku yimid qiimaha lagu iibiyo Kalluunka.

https://www.facebook.com/watch/?v=411355727494915