U bood dhigaalka

Sarakac Ku Yimid Qiimaha Lagu Iibiyo Kaluunka Suuqyada Magaalada Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

kalluunka muqdishoWaxaa sare u kac xoogan uu ku yimid qiimaha la kala siisto Kaluunka noocyadiisa kala duwan suuqyada magaalada Muqdisho, kaas oo hadda aad uga sareeya qiimahii hore ee la iibin jiray.

Sababta arintaan ayaa lagu sheegay dabaylo xoogan oo xilligaan badda ku jira, islamarkaana ay yaardeen doomihii badda u kaluumaysi tagi jiray.

Wariyaheena Cabdiqaadir Maxamed Cabdullaahi oo gaaray kawaan lagu iibiyo Kalluunka ayaa la sheekeystay qaar ka mid ah dadka Iibiya waxaana uu wax ka weydiiyay sababta qiimo korokaan keentay.

Mustaf Xaaji Waxa uu ka mid yahay ganacsatada Iibisa Kaluunka, islamarkaana badda sidoo kale kala soo baxda sharaxaad dheer ayuu ka bixiyay qiimaha xilligaan ee Kalluunka iyo sababta uu sare ugu kacay.

“Maanta malayga Yuumbiga sare ayuu u kacsan yahay 10 doolar waaye Kiiladiisa, Jeedalka waa 7 doolar, waxaana kalifaaya badda dabeylo ayaa ku kacsan, xilliga badda ay sidaan u kacsan tahay dabayshana zaaid tahay doonta ay gudoomayso waxaa ninkii hal Yuumbi helo qaali ayuu gadaa, shacabkana raali ayeey ku noqonayaan”

Waxaa la arkayaa shacab badan oo aadaya Kawaanka Kaluunka lagu iibiyo si ay u helaan hilib, iyaga oo dhiibaya qarashkaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News