U bood dhigaalka

Sare u Kac Ku Yimid Qiimaha Kalluunka Suuqyada Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Sare u kac ballaaran ayaa xilligaan laga dareemayaa inuu ku yimid qiimaha la kala siisto Kalluunka suuqayada magaalada Muqdisho.

Qiimo ahaan Kallunka aad buu uga duwan yahay sidii hore, waxaana Kallumeysatada arrintaan ku sheegeen dabayl ka kacday badda.

Abuukar Xaaji Cismaan oo ka mid ah dadka degmada Xamarweyne ku iibiya Kallunka ayaa u sheegay Goobjoog News in magaalada uu aad ugu yar yahay Kallunka, islamarkaana taasi ay saameyn ku yeelatay ganacsigooda.

“Malaayga aad buu u yar yahay, Kallunka loo yaqaano Jeedalka waxaa la iibinayaa 6 doolar, Yuunbigana waa 8 doolar halkii horay ay ka ahaayeen 2 illaa 4 doolar, marka badda ayaa laga cabsanaa in lagu dhiirado gelitaankeeda taas ayaana keenaysa in Kalluunka uu yaraado” ayuu yiri Abuukar Xaaji.

Sidoo kale Abukar ayaa inoo sheegay in xilligaan uu liito iibsashada dadka ee Kalluunka maadaama uu aad u qaali noqday.

Dabaylaha jira oo xilliga bad xiranka ah ayaa sanad walba sababta in isbedal uu ku yimaado qiimaha la kala siisto Kalluunka Suuqyada magaalada Muqdisho.

Goobjoog News