U bood dhigaalka

Sare u Kac Ku Yimid Qiimaha La Kala Siisto Dhuxusha Ee Suuqyada Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa sare u kac ballaaran xilligaan laga dareemayaa qiimaha la kala siisto dhuxusha ee suuqyada magaalada Muqdisho, taasi oo saameyn ku yeelatay qoysas badan.

Qaar ka mid ah ganacsatada Iibisa Dhuxusha ayaa ku sheegay sababta sare u kacan inay tahay roobab xooggan oo jaray marinnadii ay ku imaan jireen gaadiidka dhuxusha kasoo qaada gobalada dalka.

Suuqa dhuxusha Xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodon oo maalin Walba ay imaan jireen in ka badan 5 gaari  oo dhuxul wada ayaa haatan ganacsatadu waxay sheegeen in Todobaadkiiba mar ay yimaadaan Laba gaari.

Isxaaq Aadan Axmed waxa uu ka mid yahay ganacsatada dhuxusha ku iibisa suuqaasi, Goobjoog News ayuu sharaxaad ka siiyay sababta keentay in sare u kac ku yimaado dhuxusha.

“Sare u kaca dhuxusha waxaa keenay roobab badan oo ka da’ay meelihii ay ka imaanaysay dhuxusha, sidoo kale wadooyinkii lasoo mariisnayay oo Isbaaro taallo, qaarkoodna ay burbureen, ugu yaraan maalintii waxaa imaan jirta 6-kun illaa 7-kun oo Loor, hadda maalintii waxa yimaada ma dhama Kun Loor, qiimahiina aad buu u kacay, markii hore waxaa la gadi jiray 6 doolar, hadda waxaa la gadaa 11 doolar” ayuu yiri Isaaq.

Khadiija C/raxmaan Axmed waa Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Muqdisho, waxa ay sheegtay in saameyn ay ku yeelatay sare u kaca qiimaha la kala siisto dhuxusha ee suuqayada magaalada Muqdisho.

“Saameyn badan bay nagu yeelatay, qiimahii kor buu u kacay, bishaan waan awoodi weynnay inaan gadanno dhuxusha, weyna ku Laba jibbaarantay qiimahii horay loo iibin jiray”

Qiimo kororka ku yimid dhuxusha ayaa saameyn badan waxay ku yeelatay qoysas badan oo dan yar ah, kuwaasi oo aan awoodin in dhuxusha iibsadaan xilligaan.

Goobjoog News