U bood dhigaalka

Sare u Kac Ku Yimid Qiimaha La Kala Siisto Xoolaha Nool Ee Suuqyada Dalka (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Iyadoo maalmo kooban ay naga xigaan munaasabada Ciidul Adxa oo ah munaasabad dadka muslimiinta ah ay gowracaan xoolo badan si ay ugu udxiyeyestaan, ayaa wariyaal ka tirsan Goobjoog News, waxa ay tageen suuqa lagu Iibiyo Geelle oo ku yaalla deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho, si qiimaha geella iyo Isbedalka jira ay ula socdaan.

Mashquul aad u badan ayaa laga dareemayay suuqaasi, waxaana ku sugnaa dad u badan kuwo xoolo nool iibsanaya iyo sidoo kale ganacsatada xoolahaasi sii iibineysa.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ku sugan suuqaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in xilligaan ay dareemayaa isebdal ganacsi oo aad u ballaaran, islamarkaana qsare u kac uu ku yimid qiimaha la kala siisto xoolaha nool, gaar ahaan Geella.

“Maadaama Bisha Carafo lagu jiro waxaa isbedal xagga qiimaha lagu kala iibsado xoolaha ah, neefkii geella sare ayuu uga kacay qiimahii hore ee la iibin jiray” sidaasi waxaa inoo sheegay Yaasiin Xuseen Maxamed oo ka mid ah Ganasatada Geella.

“Neefka Geella Heerka 1-aad waxaa la iibiyaa 30 ilaa 28 Milyan oo shilin Soomaali ah, Heerka Labaad waxaa la iibiyaa 25 ilaa 20 Milyan oo Shilin Soomaali ah, heerka Sedaxaad waxaa isna la iibiyaa 18 ilaa 14 milyan oo shilin Soomaali ah” ayuu hadalkiisa ku daray ganacsadahaan.

Sanad Walba marka la gaaro bishaan oo kale waxaa sare u kac ballaaran laga dareemaa qiimaha la kala siisto xoolaha nool sida Geella, Lo-da iyo Ariga.

Hoos ka daawo sawirada

IMG_8216 IMG_8217 IMG_8223 IMG_8234 IMG_8242 IMG_8243 IMG_8244 IMG_8255 IMG_8261

Xasan Kaafi Xaaji Maxamed (Wariyaha Arrimaha Dhaqaalaha)

Sawir Qaade:- Maxamed Xuseen Qalinle

Goobjoog News