U bood dhigaalka

Sare u Kac Laga Dareemayo Qiimaha Kalluunka Ee Suuqyada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Sare u kac ayaa xilligaan  laga dareemayaa qiimaha la kala siisto Kalluunka Suuqayada Muqdisho, kadib markii la sheegay in badda ay ka jiraan dabaylo saameeyey Kalluumeysatii badda kasoo jillaabanayey.

Mustaf Xaaji Maki oo kamid ah Kalluumeysatada Soomaaliyeed oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in dabaylaha badda ka jira awgeed aysan suurtagal ahayn in Kalluunkii la keeni jirey suuqayada Muqdisho ay xilligaan u keenaan sidii caadiga ahayd.

Waxa uu tilmaamay Mustaf in Doontii keeni jirtey ugu yaraan 100 Kalluun ah ay hadda keeneyso 10 illaa 20 Kalluun.

“Dabaylo saameeyey jillaabashadeenii ayaa badda ka jira, hadda kan ugu qaalisan waa 4 doolarka Mareykanka ah, halkii uu ka ahaa 2 doolar, isbedalkaan waxaa keenay jawiga badda oo kacsan, kuleyl daran oo jira, doontii keeni jirtey 100 Kalluun, waxay hadda keentaa 10 ama 20 Kalluun, doonyihii tagi jirey Warsheekh illaa Cadalle hadda ma baxaan sababtoo ah shidaalka ayaan saamaxayn dabaylaha jira awgeed” ayuu yiri Mustaf Xaaji.

Sare u kacan ku yimid qiimaha Kalluunka ee Suuqayada Muqdisho ayaa imaanaya xilli muddooyinkii dambe ay dadku billaabeen iney aad u isticmaalaan Kalluunka.

Goobjoog News