Haweenka waxaa loo tixgeliyaa in ay ka mid yihiin hal-abuurayaasha ugu korista badan adduunka. Haddana waxaa la isku raacsan yahay in hal-abuurka iyo ganacsiyada haweenka ay muhiim u yihiin horumarka adduunka iyo kobaca dhaqaalaha. Hal-abuurka iyo ganacsiyada haweenku waxey kaalin xoog leh ka qaateen shaqo-abuurka, kobaca hantida, yareynta faqriga, horumarinta bini’aadamka, waxbarashada iyo kobaca dhaqaalaha ee dalalka. Soomaaliya, si lamid ah adduunka, waxay iyadana ka socda sare-ukaca ganacsiyada ay haweenka hoggaamiyaan iyo sida ay u kaabaan dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
Haddaba barnaamijkaan gaarka oo aan ku eegeyno sare-ukaca ganacsiyada ay haweenka Soomaaliyeed hoggaamiyaan iyo sida ay u kaabaan dhaqaalaha dalka ayaan qodobadaas ku faaqidi doonaa. Barnaamijkan waxaa taabogeliyey barnaamijka The Next Economy (TNE) oo ah mashruuc ka shaqeeya shaqo-abuurka iyo taageerida ganacsiyada yaryar ee dalalka Mali, Nigeria iyo Soomaaliya. Waxaana barnaamijkan Soomaaliya ka hirgelinaya Machadka Hal-abuurka,Tiknoolojiyada iyo Ganacsiga (IITE Institute) ee Jaamacadda SIMAD.
Barnmaajikaan arrintaas looga hadlayo waxaa ka soo qeybgalaya martida kala ah:-
- Ruweyda Gorod oo ah aas-aasaha iyo maamulaha Quman Company,
- Zahra Aweis Axmed oo ah maareeyaha Shirkada Zamaan Flowers
- Nasra Cusmaan Cali oo ah agaasimada Yusra Academy, iyo
- Samiira Cabdulqaadir Aadam oo ah maamulaha Tolmoon Collections.
Barnaamijkaan oo dhameystiran halkaan ka dhageyso
Goobjoog News