U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsan Al-shabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidamada Dowladda

Sheeko:Amniga

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna magacaabo Maxamed Xasan Macallin oo loo yaqaan Abu Cali, ayaa xalay isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Qoryooley, sida ay sheegeen saraakiisha.

Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid-Cali Ibraahim oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Maxamed Xasan Macallin oo loo yaqaano Abuu-Cali uu isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Degmada ayaa intaa ku daray in isa soo dhiibistaasi ay fududeeyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Qoryooley.

Maxamed Xasan Macalin (Abuu-Cali) ayaa la sheegay in uu u qaabilsanaa maxkamadeynta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee ku nool Kuntuwaarey iyo nawaaxigeeda.

Goobjoog News