U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Xooga Dalka Oo Ku Eedeeyay Maamulka Jubba In Aysan Rabin Nabad Ka Dhalata Kismaayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

KismaayoMid ka mid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegay in maamulka KMG ee Jubba xilligaan aanay dooneyn nabad ka dhalata magaalada Kismaayo, islamarkaana ay dhibaato u geystaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Korneel Cabdiwahaab Cumar oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa xooga dalka ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ciidamada maamulkaasi xilli walba dadka shacabka ah ay dhibaato ku hayaan.

“Waxaan dhihi karaa waa jabhad, Kismaayo shacab Soomaaliyeed ayaa lagu gumaadayaa, anaga sabarkii waa naga dhamaaday waxaana qasab nagu ah in shacabkeena iyo caruuteena halkaasi ka badbaadsanno” ayuu yiri Korneel Cabdiwahaab.

Dhanka kale Korneelka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida uu sheegay hadal dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh kasoo yeeray kaa oo ahaa in Axmed Madoobe Loogu yeerayo Madaxweynaha Jubaland.

Waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka in hadalkaasi laga laabto, isaga oo Kismaayo sheegay in aanay ka jirin maamul umadda u adeega waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News