U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka Degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dil saakay degmadaasi loogu geystay sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Dharkeenley Cumar Mayre Macow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in sarkaalkaan la dilay lagu magacaabayay Canshuur Caraaye Subeyr oo ahaa Laba xidigle ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka, ayna dileen rag bistoolado ku hubeysan.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in Labadii nin ee dilka ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen, islamarkaana ciidanka ay wadaan howlgallo.

“Saaka aroortii hore ayaa Laba nin oo Bistoolado ku hubeysan waxay dileen Canshuur Caraaye oo Laba xidigle ka tirsan ciidanka xoogga dalka ah, raggii dilay wey baxsadeen, waxaana ciidamada amniga ay ku raadjoogaan dadkii dilkaasi ka dambeeyay” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Dharkeenley.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmada Dharkeenley looga baahan yahay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si ay u sahlanaato inay qabtaan cid walba oo amni darro ka wadda degmadaasi.

Taliska ciidanka xoogga dalka kama aanu hadal dilkaan loo geystay sarkaalkaan la sheegay inuu iyaga ka tirsanaa, dhinaca kalena ma jirto cid sheegatay dilka sarkaalkaasi.

Goobjoog News