U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsan Dowladda Oo Ku Geeriyooday Nabadeyn Uu Ka Dhex Waday Beelihii Ku Dagaallamay B/weyn

Sheeko:Dalka

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, xilli uu ku howlanaa ciidan la kala dhex dhigo beelihii ku dagaallamay magaaladaasi.

Wararku waxay sheegayaan in sarkaalkaan uu la socday ciidan kala dhex gala beelihii ku dagaallamay xaafadda Howlwadaag ee Baladweyne, hase ahaatee rasaas Labada dhinac is weydaarsanayeen ayaa ku dhacday.

Dhinaca kale waxaa lagu guuleystay in Ciidamo dowladda Federaalka iyo AMISOM ah si rasmi ah loo dejiyo halkii ay ku dagaallameen Maleeshiyaadkii qaab beeleedka u abaabulnaa, islamarkaana ay haatan ku dhex jiraan.

Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Batroolka, wasiirka Amniga gudaha ee dowladda Soomaaliya, xildhibaanno, waxgarad iyo siyaasiyiin ayaa wada dhex dhexaadinta la doonayo in lagu dhameeyo colaadda Baladweyne.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News