Sarkaal Ka Tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya Oo Lagu Dilay Degmada Xamarweyne Ee Magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa maanta barqadii waxay degmada Xamarweyne gaar ahaan agagaarka Ceelgaabta waxay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Nabad sugidda Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabayey Mahad Faarax.

Guddomiyaha degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/qaadir oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dableyda dilka geystay ay saarnaayeen gaari nooca Soomaalida u taqaano caasi, islamarkaana ay ku horjareen gaarigii kale ee uu saarnaa sarkaalkaan, ayna rasaas ku fureen, sidaasina uu ku dhintay.

“Dilkan waxa uu ka dhacay wadada u dhaxeysa Uunlaay iyo Ceelgaabta ee degmada Xamarweyne, waxaana sarkaalkaan dilay rag hubeysan oo gaari caasi ah saarnaa, wey isku horjareen wey dileen kadibna waa ay baxsadeen” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale Guddoomiye C/qaadir ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay uga shaki sanyihiin inay ahaayeen raggii maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ka fulinayay dilalka sidan oo kale ah, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanka ay ku raadjoogaan kooxda dilkaasi geystay.

Shalay waxaa falal sidaan oo kale ah ay ka kala dhaceen degmooyinka Wadajir iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay illaa Seddax qof.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW