U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsan Xarakada Al-shabaab Oo Lagu Diley Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xoogga dalka ayaa lagu soo waramayaa in howlgal ay ka fuliyeen gobolka Gedo ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyey iney dileen taliyahii ciidamada Al-shabaab ee gobolka Gedo C/laahi Qannaas, kadib markii ay ciidamada howlgal ka sameeyeen deegaanka Tuulo Barwaaqo oo qiyaastii 18-KM u jira degmada Garbahaarey.

Waxay ciidamada howlgalka sameynayey ayaa dagaal kooban waxaa kala horyimid dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, balse lama sheegin khasaare kale oo halkaasi ka dhashay.

Saraakiisha howlgalkaan hoggaaminayey qaarakood oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in sidoo kale ay nolosha kusoo qabteen Labo qof kale oo ay ku sifeeyeen iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale Al-shabaab weli wax war ah kama aaney soo saarin sarkaalkaan la sheegay in looga diley gobolka Gedo.

Goobjoog News